Maxaa ka jira in garoon cusub ay DF Soomaaliya ka dhiseyso Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay garoon cusub ka hirgelinayso Magaalada Muqdisho, inta ka harsan sanadkan sii dhammanaya.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay tani ku sheegtay in uu batay mashquulka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidaasi daraadeedna loo baahday in garoon cusub laga dhiso duleedka Muqdisho.

Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayaa maanta sheegay in duleedka Magaalada Muqdisho ay ka dhisayan garoon diyaaradeed oo cusub.

Wasiirka ayaa wuxuu xaqiijiyay in ay magacaabeen guddi loo xil saaray dhismaha garoonka cusub ee ay ka hirgelinayan duleedka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaan cadayn halka laga dhisayo garoonka cusub, balse waxaa uu ka dhawaajiyay in ay diyaar yihiin injineeradii dhisi laheyd garoonkan, sida uu yiri.

Wasiir Oomaar ayaa sababta ay xilligan garoon cusub uga dhisayan duleedka Magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay iyadoo ay kordheen diyaaradaha ka soo degga Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa ku waramaya in ay tani yarayn doonto ciriiriga ka jira garoonka ugu mashquulka badan Somaliya ee Aadan Cadde.

Wasiir Oomaar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta Magaalada Muqdisho kula qaatay Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka kala socday Wasaaradaha Gaadiidka & Duulista Hawada ee Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com