Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo ka jawaabay eedeyn uga timid Madaxweynaha Galmudug

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa Axaddii maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ee Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo wafidgiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Sayyid Cabdille Xasan ku soo dhaweeyey labada Madaxweyne kuxigeen,Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda qaranku ay iska indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka kajirta doorashana aysan ku dhici karin ayada oo ay jirto kala qeybsanaan siyaasadeed wax heshiis lagu yahayna aan la isla meel dhigin.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay si xal looga gaaro muranka Doorashada in ay asaga iyo madaxdii kale ee Garowe ku shirtey ay Ergo u soo direen Xamar si jawaab looga keeno Madaxda DFS xal waarana looga gaaro Khilaafka Doorashada. Madaxweyanaha ayaa sheegay in ayada oo aan wax jawaab ah lagu soo celinin shir Jaraa’id lagu qabtey Xamar taasna aysan marnaba xal keeni karin.

Madaxweyanaha Jubbaland ayaa kula taliyey Madaxda DF Soomaaliya in wadahal iyo wada ogol khilaafka lagu xaliyo ee aan la gaarsiinin meel aan hadhow laga soo celin karin.

“Jubbaland waxay diyaar u tahay doorashada dalku inay waqtigeeda ku dhacdo loona maro nidaam heshiis lagu yahay gobolka ka maqana maamulkiisa iyo goobihiisa doorashada loo madax baneeyo Jubbaland taas oo ah xalka ugu haboon ee xaaladan lagaga gudbi karo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...