Kismaayo (HalQaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Isniintii maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya.
Mr Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaas ayaa musiibo ku tilmaamay deeqa iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan.
“Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii la keeno oo dadkii loo qeybiyo Ganley macaawino ah, soo musiibo maaha?” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Khudbadda Axmed Madoobe:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com