Wednesday, March 25, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland ‘‘Musiibo ayaa heysata shacabka aan madaxda u ahay‘‘ +(VIDEO)

Kismaayo (HalQaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Isniintii maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya.

Mr Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaas ayaa musiibo ku tilmaamay deeqa iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan.

“Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii la keeno oo dadkii loo qeybiyo Ganley macaawino ah, soo musiibo maaha?” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Khudbadda Axmed Madoobe:

https://www.facebook.com/watch/?v=634572578265941

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...