Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Isbedelka Cimilada +SAWIRRO

Sharma Sheekh (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...