Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo Billad Qaran guddoon-siiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Billad Qaran oo uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan  wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho qaadatay laba maalin ku jooga magaalada caasimadda ah ee  Muqdisho, isagoona shalay ka qeyb galay munaasabadda daah-furka Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...