Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan oo dalalka Kenya iyo Uganda kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay dhigiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Kenya William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ku sunaayeen Al-Shabaab.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha dalka Uganda iyo Kenya ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed la dagaalanka Al-Shabaab, waxa ayna adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, waxa ayna xuseen muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka.

DF Soomaaliya ayaa  ku gudbisay Shirka Madaxda Mareykanka & Afrika qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdegga ah iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...