Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Farmaajo oo u hambalyeey Madaxweynaha cusub ee Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in hore loo sii wado iskaashiga dhaw ee ka dhaxeeyey dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya.

‘‘Maraykanku waa saaxiib wayn ka qayb qaata dib u kabashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka madaxweyne Farmaajo.

Joe Biden oo xisbiga Demoqoraadiga ka socda, madaxweyne ku xigeena ka soo noqday Maraykanka mudadii u dhaxaysay January 20, 2009 – January 20, 2017 ayaa doorashada madaxtinimada kaga guulaystay musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo dalkaasi madaxweyne ka ahaa 4-tii sano ee ugu dambaysay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...