Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jabuuti ‘Geelle’ oo qaabilay RW hore Xasan Cali Kheyre

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Isniintii maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maalin ka hor safar aan horay loo sii shaacin ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo la sheegay in uu ka bilaabayo ololihiisa doorashada, maadaama uu ku dhawaaqay in uu yahay musharrax Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle iyo Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...