Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo kulankii ugu horreeyay la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka dowladda ayaa gelinkii dambe talaadada maanta waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa kulan is barasho ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda ayaa Saraakiisha Ciidamada uga mahadceliyay juhdiga xoogga badan leh, ee ay ku bixiyeen suggida amniga ee Magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Cabdi Kaariye ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo xaqiijinta nabadgelyada iyo amniga guud ee Deegaanada Galmudug.

Waa kulankii ugu horreeyay oo Qoorqoor uu la qaato Saraakiisha Ciidmada Dowladda, tan iyo markii maalintii Axada Magaalada Dhuusamareeb loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee Galmudug.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli uu maanta Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna, uu si rasmi ah u sheegay inaanu aqoonsanayn Madaxtinimada Qoorqoor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...