Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

VIDEO: Madaxtooyada Somaliya oo ka warbixisay Shirkii DFS & Dowlad goboleedyada ee ka furmay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”

Halkan ka daawo Muuqaalka Shirka:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka Shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kulamadaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...