Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha shacabka oo markale kulmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta mar kale kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka oo ay ka socdeen Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iska wareystay waxa ka qabsoomay ballamihii lagu kala qaatay kulankii u dambeeyey ee dhexmaray labada dhinac.

War kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa lagu sheegay in deddaal badan ku bixinayaan soo celinta wadashaqeyntii u dhexeysay labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii siddeedaad ee dalka kana mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyey kulan uu shalay la qaatay Guddoonka Aqalka Sare kaas oo qeyb ka ahaa deddaallada Madasha ee isku keenidda labada Aqalka ee Baarlamaanka.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in la sii wado watashiyada lagu raadinayo isfaham la dhexdhigo guddoonka labada Aqalka ee Baarlamaanka oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...