Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaantood ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan ee Ramadan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.
“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay.
“Dhammaanteen shacab iyo dowladba waa in aan ku baraarug-sannahay halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19. Waa in aynu u istaagnaa sidii aan ula shaqn lahayn laamaha caafimaadka, uguna hoggaansami lahayn talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan. Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.
Ra‘iisul wasaaraha JF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Allah ka baryay in cudurka halista ah ee COVID-19 ii ummadda ka dul qaado.
“Bishaan aan uga faa’iideysanno Allah inaan u dhawaanno, aan uga faa’iideysanno inaan cudurkaan ka wada hor tagno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, lana gargaaro dadka danta yar ee caawimaadda u baahan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle SWT ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.
“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. sidoo kalena waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






