Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

Madaxa hay’adda WHO oo si adag u beeniyay eedeyn uga timid Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa beeniyay eedeymo uu u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada Militeriga Itoobiya kaas oo sheegay in uu TPLF ka caawiyay inay hubka.

Dr Tedros ayaa waxa uu kasoo jeedaa qowmiyadda Tigreega, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii TPLF.

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda” ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Tigray inay wadahadal ay ku soo afjaraan xiisadda si adeegyada caafimaadka iyo gargaarka loo gaarsiiyo shacabka.

Waxay aheyd markii shalay taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay madaxa ha’yadda Caafimaadka Adduunka in uu wado tallaabooyin uu ku garab siinayo TPLF xilli ciidamada dowladda ay dagaal kula jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...