Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Madaafiic lagu weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland

Boosaaso (Halqaran.com) – Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa subixii hore ee Axadda maanta waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic dhowr ah oo ku dhacay Saldhiga iyo agagaarkiisa, sidoo kalena Ciidamada Puntland ay dhankooda tiro madaafiic ah ku jawaabeen.

Ilaa iyo hadda lama cadeyn karo khasaaraha ka dhashay madaafiic, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Puntland ay saldhiga Af-urur ay isaga baxeen.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in dagaal kooban uu duleedka degaanka Af-urur ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku wajahnaa degaanka Af-urur, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur, waxaana sidoo kale Ciidamada Puntland dhankooda ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...