Baydhabo (Halqaran.com) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan gaadiidka dadweynaha ee ka soo baxa Caasimadda Muqdisho ee aada deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Koonfur Galbeed ayaa hakisay isku socodka gaadiidka rakaabka ee ka tega Muqdisho ee aada deegaannada Maamulkaas, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Maamulkaasi.
Qoraalka wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay laga bilaabo 16-ka bishan Wasaaradda inay hakisay gaadiidka Muqdisho ka yimaado, sababo ku aadan ka hortagga Covid-19.
Halka hoose ka akhriso War qoraalka K/Galbeed:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







