Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Imaaraatka Carabka ayaa Diyaaraddii ugu horraysay ee sida Qalabka Caafimaad waxay soo gaarsiiyay Magaaladda Muqdisho.
Gargaarkan Caafimaad ayaa ah mid looga talo-galay la tacaalida dhibaatada cudurka Coronavirus oo kiisaskiisa ay ku sii kordhayaan gudaha Soomaaliya.
Diyaaradan ayaa siday 7 tan oo gar gaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo WHO uga deeqay Soomaaliya, iyadoo agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DF Soomaaliya.
Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe uga dejisay gargaar loogu tala galay Cudurka Coronavirus.
Ugu dambeyn, xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah mid aanan wanaagsaneyn, balse taasi iyadoo ay jirto ayaa Imaaraadka Gargaar uu la soo gaaray Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






