Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war ka soo saaray xaaladda adag ee ka dhalatay xanuunsidaha Coronavirus (Covid-19) ee ka jirta gudaha dalka.
Warka ayaa lagu sheegay in culeyska la saaro la tacaalidda faafitaanka cudurka Covid-19 ee ka dhashay Coronavirus, xilli saamayntiisa ay muuqato.
Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ugu yeeray inay ka shaqayso, sidii dalka loo keeni lahaa dhammaan agabyada caafimaad, ee loogu talagalay in lagula dagaalamo Covid-19, isla-markaana ay iskaashi wada shaqayneed la yeelato Maamul Goboleedyada.
Halka hoose ka akhriso warka Madasha Xisbiyada Qaran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






