Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ka mahadcelisay qalabka caafimaad ee Imaaraadka Carabta ugu deeqday +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro , dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa lagu sheegay dowladda inay ka mahadcelinayso agabka Caafimaad ee dowladda Imaaraadka ugu deeqday Somaliya.

“Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Hamza Said Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdulkadir Ahmed-khair Abdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...