London (Halqaran.com) – Xoghayihii Arimaha Dibadda ee Britain Liz Truss ayaa noqon doonta ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, kadib markii ay ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Conservative-ka.
Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O’Leary, waxaana u jooga laba hablood.
Truss ayaa ka adkaatay wasiirka maaliyadda Rishi Sunak kadib dhowr wareeg oo doorasho oo ay galeen musharrixiin kala duwan.
Liz Truss ayaa beddeli doonta Boris Johnson oo xilkaasi iska casilay bishii July, kadib fadeexooyin la xiriira sidii uu u maamulay xayiraadaha la soo rogay xilligii cudurka Covid-19 uu heerka ugu sarreeya marayey dalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





