Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Laftagareen oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta  dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta ku-meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa 30 cesho ka dib gaaray Magaalada Baydhabo asiga 19 April 2022-ka soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo qeyb ka ahaa Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee caasimadda ka waday ololaha la xiriira doorashada madaxtinimo ee dalka.

 

Sidoo kale, intii uu magaalada muqdisho joogay waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Koofur galbeed iyo Mas’uuliyiin kala duwan, isagoo kala hadlayay xildhibaanadda inay door ku yeeshaan arrimaha doorashooyinka.

 

Laftagareen oo aad ugu dhawaa Maamulka hadda talada ka sii degaya ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii sagaalaad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaalo badan ku baxshay sida ay u soo saaran lahaayeen Xilhibaanno dib u soo doorta hoggaanka Nabad iyo Nolol.

Villa Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay in ay dib u qabsato Guddoonka Golaha Shacabka ka gadaal markii Guddoomihii ay wateen looga adkaaday Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen.

 

Wali waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxda Maamulada Puntland,  Jubbland, Hirshabeelle iyo Galmudug kuwaas oo kulamo kala duwan ka wada oo looga arrinsanayo xaladda dalka iyo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...