Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ciidamada Gaar ka ah ee Gorgor oo la wareegay Deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Al-Shabaab ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgalada ay Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deegaanada ay ciidanka la wareegeen xubnihii ka tirsanaa Al-shabaab ay iskaga firxadeen, kadib markii ay ka war heleen in ciidanka Xoogga ay kusoo wajahan yihiin.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa A-Shabaab ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...