Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

Korneyl Caarre oo maanta Ciidankiisa iyo hubkii uu watay ku wareejiyay Somaliland (Maxaa isbaddelay)?

Ceerigaabo (Halqaran.com) – Korneyl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Korneyl Caarre ayaa Khamiistii maanta waxaa uu Ciidamo farabadan oo ka amar qaadanayey iyo hubkii ay wateen waxaa uu ku wareejiyey Xukuumadda Somaliland oo ay dagaal kula jirtey Jabhdda uu hoggaaminayey balse uu la heshiiyey.

Munaasabad kooban oo ka dhacday buurta Daallo ee duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayna goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka Beesha uu kasoo jeedo iyo Xubno ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa uu ku wareejiyey dhamaan ciidamadii ka amar qaadanayey iyo hubkii ay wateen, kuwaas oo horey uga goostay Somaliland.

Wadahadallo bilihii la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa shalay la soo geba-gabeeyey,isaga oo la heshiiyey Somaliland, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Korneyl Caare uu aadi doono dalka dibadiisa.

Bishii May sannadkii 2018-kii ayuu ka goostay Ciidamada Somaliland Korneyl Caare,isaga oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee jabhad samyesta, isla markaana dagaal khasaaro geysta la gala Xukuumadda Somaliland,isaga oo ka caroodey dagaal beeleedyo kusoo laab laabtey deegaanka Ceel-Afweyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...