Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Kooxda Al-Shabaab oo gubtay ceelal iyo guryo ku yaalla Gobolka Hiiraan.

Ceel Jiqoow(Halqaran.com) – Wararka laga helayo deegaanka Ceel Jiqoow ee hoostaga degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay  maanta gubeen dhammaan guryihii iyo Ceel Biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii, sidoo kalena  qarax ku bur-buriyay Halkii  ceel biyood ee ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadka degaanka ayaa sido kale waxaa ay sheegeen in xilligaan ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah kadib markii Ceelkii biyaha ay ka cabayeen iyo Guryihii ay ku noolaayeen ay gubeen Al-Shabaab.

“ Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayay ku burburiyeen, mana qaano waxa aan ka galabsanay ayuu yiri” Mid kamid ah dadka degaanka Ceel-jiqoow oo hoostaga degmada Maxaas.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla Gobolka Hiiraan, sidoo kalena ay qaraxyo ku burburiyaan Ceel biyodyo, waxaana tllaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda ka wadaan degaano & degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...