Abooreey(Halqaran.com) –Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo kuyalla Gobolka Hiiraan, kaidb dagaalo ka dhacay.
Howlgalka oo ay siwadajir u fuliyeen Ciidaada qeybta 27aad iyo Guutada 17aad ee Gorgor ayay Ciidamadu kula wareegeen degaannad kala ah, Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan.
Cabduqaadir Axmad Cali oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalka uu yahaymid qorsheysan oo dhammaan degaannada Gobolka Hiiraan ay uga saarayaan Ururka Al-Shabaab.
Sido kale Gobolka Hiraan ayaa waxaa ka socdo howlgallo culus, ayada oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay garab weyn ka helayaan maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com