Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Maxay ka Wadahadleen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka Socotay Hey’adda IOM……?

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay agaasimaha Bariga iyo geeska Afrika ee hay’adda socdaalka adduunka ee (IOM), mudane Maxamed Abdikheer.
Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul , dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.
“Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada , ka jawaabida xaaladaha deg degga, taageerraya Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha.
Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxamed Abdikheer. “ayuu yiri Wasiir Biixi.
Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM , Mudane Maxamed Abdikheer oo boggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbixin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Kulankan ayaa waxaa goob -joog u ahaa ,Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo IOM, waxaana si guud looga hadlay arrimaha abaaraha dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...