Jigjiga (Halqaran.com) – Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta nabad galyada deegaanka Soomaalida ayaa kulan ku yeeshay Magaalada jigjiga ee Xarunta DDS.
Kulankan ayaa looga wada hadlayay iskaashiga deegaanka Soomaalida iyo dawlad goboleedka koonfur Galbeed sidii loosii xoojin lahaa, loogana wada shaqayn lahaa arimaha nabad galyada, isu socodka bulshada, iyo inay labada maamul si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada shacab gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada bulsho.
Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo degmooyinka xuduuda la leh koonfur Galbeed.
Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo Guryaynta Soomaaliya Axmed Sheekh Maxamed ayaa sheegay in la isku afgartay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha ammaanka iyo isdhexgalka labada bulsho.
Masuuliyiinta ka tirsan dawlad goboleedka Koonfur Galbeed oo muddo 4 maalmood ah ku sugan deegaanka Soomaalida ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Jigjiga ee dowlad deganka Soomaalida Itoobiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





