Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Booliska gaarka ah ee K/Galbeed oo Tababar siineysay DF Soomaaliya.
Munaasabad Ciidamadaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ku sugnaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo madax kale, waxaana Ciidamadaas loogu talo sugida amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay fuliyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Laftagareen ayaa sheegay in Ciidamadan ay sigaar ah uga howlgalayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu Ciidamada iyo saraakiishooda uu ugu baaqay inay si wanaagsan Shacabka ula dhaqmaan.
Ugu dambeyn, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo niyad wanaagsan oo u diyaar ah howlgallo, isagoona si rasmi ah ugu wareejiyay Maamulka Koonfur Galbeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










