Saturday, June 20, 2026
27.4 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo soo dhaweysay heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Kullan la xiriira heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano ee dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso bulshada nugul iyo saameynta uu ayaxa u geystay qoysaska Koonfur galbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo,kaddib markii uu galinkii dambe ee shalay gaaray Baydhabo wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa.

Kullanka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Koonfur galbeed, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

“Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

“Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.

Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda ilaalinta bulshada ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada,waxaa bishii April ka daah-furay muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...