Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta lagu rasaaseeyay gaadiid uu la socday oo marayay agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamar ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Asluubta oo bar kontorool ku leh wadada horumarta Xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen gaadiidkaai, waana xilli ay u socdeen dhanka Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Saraakiil ku dhow dhow Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xaqiijiyay inaanu jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaastaasi lagu furay gaadiidka uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa saraakiishan laga soo xigtay in illaa iyo hadda aanay garanayn ujeedada loo rasaaseeyay kolonyada uu watay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay aheyd 13-kii bishii February, markii waddadan lagu rasaaseeyay gawaari ay la socdeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Odayaal kale oo Duubabka Dhaqanka ka mid ah.
Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin kadib dhacdadaasi booqday hoyga Imaam Maxamed Yuusuf, isagoona u muujiyay sida uu kaga xun yahay dhacdadaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





