Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Kenya oo sheegtay in Madaxweyne Xasan iyo Uhuru ay saxiixayaan heshiiska Dhoofinta Qaadka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dib u dhac kooban ayaa ku yimid heshiiska dib loogu soo celinayo Arrimaha Ganacsiga dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan qaadkii Kenya keeni jireen gudaha dalka ee horey u joojisay dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Beeraha dowladda Kenya, Peter Munya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhac kooban uu ku yimid heshiiska dib u bilaabida qaadkii Kenya keeni jirtay Somaliya, isla markaana dhawaan heshiiskaas la saxiixayo.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ee Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wada xiriireen, ayna dhawaan kulan yeelaan doonaan, si loo dhameeyo heshiiska dhoofinta qaadka/Jaadka.

Sidoo kale Wasiirka Beeraha Kenya ayaa xusay inuu beeraleyda qaadka u cadddeeyay in aysan niyad jebin, isla markaana la saxiixi doono heshiiska dhoofinta qaadka, isagoona intaas kusii daray in ay niyad wanaag ka qabtaan dib u furista suuqa Miirawga.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo shirka aan caadiga ahayn ee urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi, isagoona halkaas la filayey inuu kulan kula yeesho Madaxweyne Kenyatta, lana saxiixo heshiiska.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hakisay soo dejinta qaadka Mirowga bishii Maarso ee 2020, iyadoo sabab uga dhigaysa xannibaadaha Covid-19 ka hor inta aan la kordhin xayiraaddiisa Augusto isla sanadkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...