Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Kenya Oo Shaaca Ka qaaday Inay Dib U Bilaabeyso Qaadkii Ay Keeni Jirtay Soomaaliya

Nairobi(Halqaran.com)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah. Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.

Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in laba toddobaad ka dib uu dib u bilaabmi doono Ganacsiga Jaadka oo hakad ku jiray muddo labo sanno ah, balse si qarsoodi ah ayaa loo soo gelin jiray qeybo kamid ah dalka.

Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii Hore Maxamed cabdillahi Farmaajo ayaa hakiyay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira Covid19, balse xayiraadaasi Ayaan la qaaday iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunka ay suuqgeyso Kenya,Dowlada Soomaaliya  wali kama aysan hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay maanta .

Qaadka ayaa markii hore laga dhoofin jiray garoonka Wilson ee magaalda Nairobi ayaa waxaa hadda ka dib laga dhoofin doonaa garoonka Isiolo oo u dhaw deegaannada uu ka baxa qaadka.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa  Xariirkooda ahaa mid aan wanaagsaneyn intii uu xilka hayay Madaxweynihii 9-aad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhowr jeer ayaana la joojiyay qaadka Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...