Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Israsaaseyn dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan DG Puntland(Maxay tahay Sababta?)

Boosaaso(Halqaran.com)- Waxaa Faah faahino dheeraad ah laga helayaa is rasaaseyn xooggan oo Galabta Xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolla Bari ku dhexmartay Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa PSF ee Maamulkaasi.

Sida goob joogayaal ay sheegayaan Is rasaaseynta ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeebta Magaalada Boosaaso ay tageen Ciidamo katirsan Booliska, halkaas oo Maalinta Jimcaha ah ay dadka u damaashaad tagaan, waxaana uu khilaaf dhexmaray Ciidamada PSF oo inta badan ilaaliya Xeebaha Gobolka Bari.

Warar ka ayaa waxa ay sheegayaan in Ugu yaraan laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa shacab ayaa ku geeriyooday, israsaasayn ciidanka Booliiska Puntland iyo ciidamada  PSF, halka ay ku dhaawacmeen lix kale, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada magaalada.

Saraakiisha maamusha Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin dhacdadaan, iyada Galabta aad looga hadal haayo Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Gobolka Bari.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...