Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Ajaanib Lagu Qabtay Dagaalka Ka Socda Dalka Ukraine oo Dil lagu Xukumay.

Donetsk (Halqaran.com)- Maxkamad ku taal bariga Ukraine oo ay maamusho Dowalada Ruushka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Marooko iyo laba British ah,kadib maarkii lagu qabtay iyagoo ka dagaalamaya gudaha Ukraine .

Brahim Saaudun oo Marookaan ah iyo Aiden Aslin iyo Shaun Pinner oo British ah ayaa lagu eedeeyay inay calooshood u shaqeystayaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka,Maxkamadda ayaa ku taaal Jamhuuriyadda uu Ruush ka  Donetsk ee taageersan  Dalka Ruushka.

UK iyo Ukrain ayaa cambaareeyay xukunnada ku saabsan jebinta shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta maxaabiista dagaalka.

Dhammaan saddexda nin waxaa lagu soo oogay inay ahaayeen calooshooda u shaqeystayaal, gacan-ku-dhiigle awoodeed iyo inay tababar ku qaadanayeen fulinta hawlaha argagixisada, ayay tidhi Ria Novosti.

Dowladda UK waxay “aad uga walaacsan tahay” xukunnada dilka ah ee lagu riday Aslin iyo Pinner waxayna sii wadaysaa inay kala shaqeyso Ukraine sidii loo sii dayn lahaa labada nin ayaa lagu yidhi hadal ka soo baxay Downing Street.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...