Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

KENYA oo muddo yar gudaheed ka faa’iday ‘8 Milyan oo Doollar’ Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in qaadka (Jaadka) Miirowga oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya muddada Saddex bilood ah ee kasoo wareegtay markii la billaabay dhoofinta jaadka ay ka heshay 4 Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 8 Milyan oo Dollar.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Qaadka Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha Kenya, Felix Mutwiri ayaa sheegay in illaa hadda ay dhoofiyeen 1.4 milyan oo kiilogaram oo Miirow ah wixii ka dambeeyay heshiiskii dhoofinta jaadka oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miira ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wadahadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda,” ayuu yiri Mr Mutwiri.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay ka hesho lacag dhan $23 Dollar Kiilada qaadka Miirwoga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo, waxaana ka faa’iideysta Ganacsato farabadan oo Kenyan ah, kuwaas oo xilligii la joojiyay dhoofinta jaadka lacag farabadan khasaaray.

Si kastaba, Qaadka ay dowladda Kenya u soo dhoofin jirtay Soomaaliya ayaa la joojiyay, kadib markii labada dal isku qabteen arrimaha Badda iyo faragalin ay Kenya ku haysay arrimaha Soomaaliya, balse Dowladda Soomaaliya ay bishii July oggolaatay in Qaadka Kenya la keeno gudaha Soomaaliya, kadib wada hadalo ay yeesheen madaxda labada dal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaranews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...