Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

K/AFRIKA : Soomaalida oo Horumar aan lagu aqoon ku sii Tallaabsatay (Sii Ogow❓)

CAPE TOWN (HalQaran.com) – Markii ay dadku maqlaan Koonfur Afrika, waxaa islamarkiiba kusoo dhacaya Muwaadiniin Soomaaliyeed oo mehrado ganacsi ku dhex jira, kuwaasi oo mararka qaar la kulma dhibaatooyin ay naftooda ku waayaan, ama ay ku naafoobaan, amaba hantidooda lagu boobo, balse maanta horumar arrimahaasi ka badalan ayey Soomaalida South Africa ku tallaabsatay.

Tallaabooyinka lagu faani karo ee ay Soomaalida ku tallaabsatay waxaa ka mid ah, inay Shirkadaha waaweyn ee wadanka ay ka shaqo bilaabeen, iyagoo ka mid noqday Ajaanibta Daraawalada ka ah Shirkadda (UBER) oo ah Shirkad xagga Tagaasyada ah (Taxi) oo si weyn loo jecel yahay adeegooda caalamiga ah, waxaana lagu ammaanay Soomaalida inay yihiin Madaalayaal ka hawlkarsan Ajaanibta kale.

“Uber, waxaa ka shaqeyn kara, shaqsi kasta oo (Shati) ama leesinka gawaarida lagu wado haysta, waxaana sidoo kale Shirkaddan oo dalal badan ka hawlgasha loo ogol yahay qofkii awooda inuu Gaari uu isagu leeyahay kusoo darsado, haduusan qofkaasi aheyn qof dalkan South Africa, dambi ka galay, waana shaqo horumar leh oo mudan inaan ka wada faa’idaysano” ayuu yiri Mnx Cnb Iyo Kalgacal oo ka mid ah dhallinyarada ugu firfircoon ee u shaqaysa Uber.

Sanooyin ka hor, Soomaalida waxaa lagu dhaleeceyn jiray inaysan is dhexgal xagga ganacsiga ama horumar kale ah aysan la samaynin dadka wadaniga ah ama shirkadaha caalamiga ah ee dalka ka hawlgala, laakiin maanta haddaa dhinac kasta ka eegto Muwaadiniin Soomaali ah ayaa kuugu diyaarsan oo ka shaqeysta.

Goobaha Caafimaadka sida Farmashiyaasha ama MCH-yada, Makro IWM, Shirkadaha cabbitaanada soo saara sida Coca Cola iyo Jive, iyo qaar kaloo badan dhammaan waxaa fursad shaqo ka heley sanooyinkan dambe Muwaadiniinteena Soomaaliyeed, waxaana la leeyahay tallaabadan waxay wax badan ka badali doontaa dhibaatooyinka nagusoo gaara Goobaha isku raranka ah ee Mehradaha ganacsi aynu ku leenahay.

W/D: Abdulrazak IndhaJaceyl

@HalQaran.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...