Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Joe Biden oo ku hoggaaminaya Codadka gobol siin kara guusha madaxtnimada Mareykanka

Washington (Halqaran.com) – Waxaa daqiiqadihii la soo dhaafay, musharrax Joe Biden ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, wuxuuna boqolaal cod ku hoggaaminaya Donald Trump.

Pennsylvania waa gobol muhiim u ah loolanka madaxtinnimada Maraykanka ee ay ku tartamayaan musharraxiinta kala ah Biden iyo Trump.

Haddii uu Biden ku guulaysto Pennsylvania, waxaa uu ku guulaysan doonaa tartanka isagoo noqon doona madaxweynaha la doortay.

Gobolkaas ayaa leh 20 cod oo ah ergada doorashada, iyadoo inta la xaqiijiyay uu Biden heysto 253 codadkaas ah, uuna u baahan yahay 17 cod oo keliya.

Donald Trump ayaa isla Jimcaha maanta lumiyay codadkii uu ku hoggaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia.

Ugu dambeyn, weli natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto.

Kala soco wixii warar ah ee ku saabsan doorashada ka socota Mareykanka Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...