Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Jarmalka: Waa in dib loo billaabaa wada-hadaladii Nukliyeerka ee Iiraan

Berlin (Halqaran.com) – Dowladda Jarmalka ayaa Arbacadii maanta ku baaqay in dib loo billaabo wadahadaladii ku saabsanaa heshiiska Nukliyeerka Iiraan, sida lagu sheegay  war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jarmalka.

Baaqa Jarmalka ayaa yimid,  kadib markii warbixin lagu sheegay in Iiraan ay dardar gelisay kobcinta Yuraaniyamkeeda oo ay gaarsiiso meel u dhow heerka hubka halista ah.

“Waxaan ka codsaneynaa Xukuumadda Tehraan in ay ku soo noqoto miiska wada -xaajoodka si meshisii loogu sii wado heshiirkii Nukliyeerka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jarmalka.

Madaxweynaha Iiraan ayaa Axaddii la soo dhaafay agaasime cusub u magacaabay  hey’addaTamarta Atomic-ka ee dalkiisa, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...