Saturday, June 6, 2026
28.3 C
Mogadishu

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la Shaaciyay +(Akhriso)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah soo saaray Jadwalka doorashada Madaxweynaha, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka ay bilaabaneyso 8-da bishaan May 202, ayna ku egtahay diiwaan-gelinta 10-ka bishaan.

Guddiga doorashada ayaa hadal-jeedinta Musharaxiinta u qorsheeyay laba maalin oo ka billaabaneyso 11-ka ilaa 12 bishaan May, waxaana Musharraxiinta ay Xildhibaanada u jeedin doonaa khudbado ay uga hadlayaan waxa ay qaban doonaan marka la doorto.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in doorashada Madaxweynaha 10-aad ee DF Soomaaliya la qaban doono 15-ka bishaan May, isla markaana doorashada ka dhaceyso Muqdisho.

Ugu dambeyn, doorashada xilka Madaxtinnimada dalka ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba halka hoose ka khariso Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Somaliya:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...