Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Jabuuti oo rag aad loo baadi goobayay u gacan gelisay Itoobiya

Jabuuti (Halqaran.com) – Dowladda Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa inay u gacan gelisay Itoobiya saddex xubnood oo ay Addis Ababa ku raad-joogtay, kuwaasi oo ka tirsan Ururka dalka laga mamnuucay ee TPLF.

Wararka ayaa sheegaya, in xubnahaasi oo isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid laga dejiyay Caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda xaqiijisay arrintaan, iyadoona ay sheegtay in raggaasi la horgeyn doono Caddaaladda.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa waxa ay xayirtay hantida 12 taliye oo hore uga tirsanaan jiray milateriga dalkaas, kuwaas oo ku biiray ururka la mamnuucay ee TPLF.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...