Jabuuti oo rag aad loo baadi goobayay u gacan gelisay Itoobiya

Jabuuti (Halqaran.com) – Dowladda Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa inay u gacan gelisay Itoobiya saddex xubnood oo ay Addis Ababa ku raad-joogtay, kuwaasi oo ka tirsan Ururka dalka laga mamnuucay ee TPLF.

Wararka ayaa sheegaya, in xubnahaasi oo isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid laga dejiyay Caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda xaqiijisay arrintaan, iyadoona ay sheegtay in raggaasi la horgeyn doono Caddaaladda.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa waxa ay xayirtay hantida 12 taliye oo hore uga tirsanaan jiray milateriga dalkaas, kuwaas oo ku biiray ururka la mamnuucay ee TPLF.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com