Friday, July 10, 2026
25.9 C
Mogadishu

Jabuuti oo doorasho ka socota iyo madaxweyne Geelle oo codkiisa dhiibtay

Jabuuti (Halqaran.com) – Shacabka Jamhuuriyadda dalka Jabuuti ayaa Jimcihihii maanta u dareemay codbixinta doorashada 2021-ka oo ay ku tartamayaan Madaxweynaha hadda xukunka haye ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Geelle oo markii 5aad u tartamaya xilka madaxtinimada ee dalkaasi ayaa barqanimadii maanta codkiisa dhiibtay.

Madaxweynaha Jabuuti iyo marwada 1aad ee dalka, Khadra Maxamuud Xayd ayaa codkooda ka dhiibtay Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Djibouti.

Madaxweyne Geelle oo hadal kooban u jeediyay Wariye-yaasha ayaa sheegay in hawlaha ay si wanaagsan u socdaan, uuna sugayo natiijada horudhaca.

Musharax Sakariye Ismaaciil Faarax oo ah musharaxa keliya ee doorashada kula tartamaya Madaxweyne Geelle ayaa iska diiday inuu codkiisa dhiibto, ka dib markii uu ka cowday kooxda u qaabilsan korjoogteynta goobaha codeynta loo diiday inay waajibaadkoodu gutaan.

Wafdi ka socday kormeereyaasha goobaha doorashada oo hoygiisa ku booqday musharax Sakariye Ismaaciil Faarax ayaa la arkaayay isagoo afka iyo gacmaha soo xirtay, taasoo ay dadka qaarkii u fasirteen in doorashada la afduubay.

Xisbiyada Mucaaradka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa horaan qaadacay doorashada, ka dib markii ay sheegeen inaanay xor iyo xalaala ahayn.

Xisbiyada Siyaasadda ee dalkaasi ayaa Madaxweyne Geelle ku eedeeyay muddadii dheereed ee uu xilka hayay inaanu dalka ka qaban-qaabin doorashooyin xor iyo xalaal ah, xukunkana uu xoog ku jooggo.

Guddiga Doorashada oo hoostagga Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa Wasiir Muumin wax laga weydiiyay cabashada musharax Sakariye Ismaaciil Faarax, wuxuuna sheegay inaanu wax cabasho ahi soo gaarsiinin musharaxaasi, doorashaduna ay si wanaagsan u socoto.

“Codkiisa isagaa u madaxbannaan, hadduu shaki-geliyo haddii uu shaki-gelin.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray “Waxba ma dhacayaan doorashada haddii uu ka qayb qaadan waayo, anaga intii goobaha codeynta inoo timaada wixii ku jiro uun baa u tirineynaa. Hebel intaa buu helay, kan kalena intaa buu helay.”

Wasiir Muumin oo wax laga weydiiyay goorta ay soo baxeyso natiijada horudhaca ayaa yiri “Marka goobaha codbixinta la xiro ka dib uun baa taas isugu imaaneynaa, 7-da illaa 8-da fiidnimo wixii ka dambeeya uun baa isugu imaan doonnaa.”

Madaxweyne Geelle ayaa horaantii bishii March sheegay inay doorashadan noqon doonto middii ugu dambeysay, ee uu isu soo sharaxo.

Ugu dambeyn, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka soo hayay tan iyo sanadkii 1999-kii, haddii uu doorashadan ku guuleystana waxay noqoneysaa markii 5aad oo xiriir ah oo xafiiska loo doorto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...