Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah &Xaalada Itoobiya oo qasan.

Itoobiya (Halqaran.com) –Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xalaad degdeg ah oo dalka oo dhan saamaynaysa xilli uu sii kululaanayo dagaalka ka soconaya waqooyiga dalkaasi.

Dhanka kale warbaahinta qaranka Itoobiya ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Addis Abab ay dadka ku boorinayaan inay labada maalmood ee aaddan ku diiwaangashadaan hubkooda gaarka ay u leeyihiin.

Arintan ayaa timid kadib markii dagaalyahanada Tigreega ay sheegeen in ay hormar ka sameynayaan waqooyiga Itoobiya. Waxay ku andacoodeen in ay qabsadeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee Amxaarada.

Balse dadka ku dhaqan magaalada Dessie ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen dagaalyahano katirsan kooxda TPLF oo gudaha ugalaya magaalada oo mudo todobaadyo ah xudun u ahayd dagaalka.

Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF waxa ayna ku tilmaantay “borabagaando”.

Horumarka ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa waxa ay horseedday in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka ayaa sii kordhayay todobaadyadii lasoo dhaafay. Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay magaalada Mekelle ee gobolka Tigray. Waxa ay sheegtay in ay beegsanayso goobaha hubka ee ay kooxda TPLF adeegsato.

Dagaalka u dhaxeeya dawladda Faderaalka iyo kooxda TPLF, oo mar ahaan jiray qayb ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay qarxay bishii November ee sannadkii hore.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay malaayiin qof.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...