Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliya Tababar ugu Soo Xiray Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u soo xiray  Gabdho ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale derajooyin loogu xiray Saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble” Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarka u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in Xarunta Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed lagu kordhiyo dugsi sare isagoo faray Wasaaradda Waxbarashada in howshaas u fuliso sida uga dhaqsiyaha badan.

ugu Dambeyntii Ciidammada Qalabka sida, waa cudud weyn oo fuliya sharciga,  sugidda amniga  iyo dhowrista nidaamka dowladnimada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...