Saturday, May 2, 2026
28.7 C
Mogadishu

Imaaraadka Carabta oo Qalab looga hortagayo Cudurka Coronavirus ku wareejisay Puntland +(SAWIRRO)

Boosaaso (Halqaran.com) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowlad goboleedka Puntland waxa ay ku wareejiyeen qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Coronavirus (Covid-19) oo dunida si wayn u saameeyay.

Qalabkaan ayaa laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, halkaasi oo masuuliyiin ka tirsan Puntland ay kula wareegeen, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Imaaraadka uga mahadceliyay agabkaasi caafimaad ee loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.

Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...