Galgaduud (Halqaran.com) – kaddib markii maalmihii la soo dhaafay maleeshiyaad ay ku dagaalamayeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee deeganada Galmudug, ayaa goobihii lagu dagaalamay waxaa loo diray Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.
Amaanka guud ee goobihii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedka ee deegaanada Balicade iyo Furinta-foore ee Gobolka Galgaduud waxaa la wareegey Ciidanka dowladda Soomaliya oo iskugu jira Nabad sugida Qaranka, Milatariga Qaybta 21-aad iyo Booliska Galmudug.
Ciidankaan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Nabad sugida qaybta Galmudug Mahdi Cumar Muumin ayaa kala dhexdagey labada beelood ciidankooda oo dagaal uu maalin ka hor uu halkaan ku dhexmarey.
Taliyaha NISA waxa uu sheegey inay halkaan ku sii sugnaan doonaan inta xal laga gaarayo lana kala qaadayo labada ciidan ee Beelaha halkaan ku dagaalamey.
Dhinaca kale, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa goobta gaarey si ay gogol xaar ugu sii noqdaan kulan hordhac ah oo Odayaasha Dhaqanka labada beelood la filaayo in maanta ay iskugu yimaadaan si ay oga wada hadlaan sidii loo kala qaadi lahey Ciidamada beelaha ee wali is horfadhiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










