Minnesota (Halqaran.com) – Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa si cad uga soo horjeesatay Qorsho ay wadaan laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka, kaas oo sababi kara in boqolaal Soomaali ah laga soo musaafuriyo gudaha dalkaas.
Dadka la soo celinayo ayaa badankood waxaa ay yihiin Soomaali si sharci darro ah ku jooga Maraykanka, kuwaas oo ay macquul tahay in dib loogu soo celiyo dalkooda Soomaaliya.
Ilhaan Cumar ayaa ku dhaleeceysay laanta socdaalka iyo kastamka Mareykanka qorshahaas oo ay sabab uga dhigtay arrimo la xiriira Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus.
War qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in qorshaha musaafinta kaliya aysan dhibaato ku aheyn shakhsiyaadkan, balse ay qatar ku yeelan karto Soomaalida , isla markaana ay keeni karto nolol ama geeri.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo isugu jira kuwo Sharci heysta iyo kuwo si sharci darro ah ku jooga, waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Donald Trump Mareykanka laga soo celiyay Soomaali farabadan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





