Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Hoyga Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo laga helay dokumentiyo sir qaran

Washington (Halqaran.com) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa ka heshay guriga Madaxweynihii hore ee Mareykanka,  Donald Trump dokumentiyo lagu calaamadiyay inay yihiin ‘sir qaran’ oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad kooban, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baaray guriga madaxweynihii hore, oo uu baahiyay garsoorihii amarkaas saxeexay.

Qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa muujinaya in Saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen gurigaasi, illaa 11 diiwaan oo ah macluumaad sir ah, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen Saraakiisha FBI-da, ka dib markii ay baaritaanka dhameeyeen.

Saraakiisha FBI-da ayaa marka hore waxay maxkamadda ka codsadeen ogolaansho ah, inay baaris samayn karaan, ka dib marka ay baarista sameeyeena waxay maxkamadda la wadaageen macluumaadkii ay ka soo qaadeen goobta ay baareen, si ay u caddeeyaan wixii ay ka heleen goobta baaritaanka.

Diiwaanada sirta ah ee laga helay guriga Trump ayay ku jiraan, kuwo ku diiwaangashan inay yihiin ‘sir’ iyo kuwo ku calaamadsan inay yihiin ‘Sir Qaran’. Maxkamaddu ma bixin faah faahin intaas ka badan oo la xiriira nooca macluumaadka ku jira diiwaanka sirta ah ee laga soo qaaday hoyga Madaxweynihii hore.

Ex Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimcihii ayaa sheegay in dhammaan macluumaadka laga qaatay gurigiisa ay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha ‘Declasiffied’ oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dokumentiyada u wareejin lahaa Waaxda Caddaaladda, haddii la weydiiyo.

Madaxweynaha xilka haya oo keliya ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro in la faafin karo macluumaad marka hore lagu calaamadiyay inay sir yihiin, hase ahaatee Madaxweynuhu marka uu xilka ka dego awoodaas malaha.

Trump ayaa markii uu xilka ka degay, wuxuu hore u sii qaatay dokumentiyo badan oo sir ah, oo aan la ogolayn in dibadda loo saaro, qaybo ka mida waraaqahaas sirta ah ayuu Trump kol hore soo celiyay.

Xigasho – AP

@HalQaran News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...