Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Howlgal lagu aruurinaayo xoolaha nool oo laga sameeyay waddooyinka magaalada Muqdisho +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidanka illaalada deegaanka Xamar ayaa sameeyay hawlgal ay ku uruurinayeen xoolaha nool ee dhex fadhiya wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii amar uu ka soo saaray dhawaan Duqa Muqdisho.

Hawlgalkaan ayaa laga fuliyay nawaaxiga wadada Maka Al mukarama, halkaasi oo inta badan lagu arko xoolaha nool ee Magaalada dhex socda.

Ciidanka illaalada deegaanka ayaa xarunta Baadi-Qabadka oo dhawaan dib-udhis lagu sameeyay isugu geeyay xoolihii ay uruuriyeen.

Hawlgal ay fuliyeen ciidanka illaalada deegaanka dowladda hoose Xamar ayaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad 40 Lo’, kuwaas oo dhaxsocday wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa horey amar uu u soo saaray ku faray dadka leh xoolaha inay Magaalada ka dhex qabsadaan, haddii kalena la uruurinaayo xoolahooda, kadibna ganaax lacageed laga qaadi doono dadkaasi.

Bilicda Muqdisho ayaa meelaha qaar waxaa caqabad ku ah xoolaha nool oo wadooyinka dhex fadhiya, kuwaasi oo saxaradooda ay dhex taalo wadooyinka, taasina qayb ay ka tahay bilic xumida Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...