Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Hirshabelle oo laga helay kiisas Coronavirus ah +(Shir Jaraa’id)

Jowhar (Halqaran.com) – Cabdi Macalin Maxamed oo ah wasiirka Wasaaradda Caafmaadka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeey ee cudurka Covid-19 ee laga diiwaan geliyay deegaannada Hirshabeelle waxaa uuna sheegay in guud ahaan Hirshabeelle laga helay 6 ruux tan iyo markii cudurku uu soo gaaray dalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Bulshada ku nool Hirshabeelle ugu baaqay in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafmaadka Dowlada Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle si looga hortago faafida Cudurkan dunida dhibaatada ba’an ku haya ee Coronavirus.

Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka Cabdi Macalin Maxamed ayaa sheegay inay diyaariyeen goobo dadka lagu karantiilo  oo qofka isaga shakiya ama uu ku dhaco Covid-19 uu tagi karo si baaris loogu sameeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kamid ahaa dadkii u dhintay Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...