Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Hay’adda FAO oo ku dhawaaqday inay xoojin doonta howlgalkaka dhanka ah Ayaxa

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO iyo Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa ku howlan xakameynta Ayax ku soo badanaya maamulladda Puntland iyo Galmudug.

Howl-galkan ayaa loo adeegsanayaa sunta cayayaanka ee saameynta yar sida kuwa joojiya Korriimada Cayayaanka, suntan ayaa dileysa Ayaxa wax yar uun kaddib marka uu dhasho oo ku siman shan ilaa todobo maalmood.

Kooxaha Ayaxa buufinaya ayaa xoojinaya howl-gallada lagu xakameynayo dhibaatada Ayaxa, gaar ahaan deegaannada ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa ay Hay’adda ay sheegtay in ay labo jibaari doonto howlaha ka dhanka Ayaxa.

Ayaxa ayaa dhawaan soo gaaray Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqaranews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...